Maamulka gobolka iyo guddiga doorashooyinka oo kulan xasaasi ah yeeshay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha dalka.

Guddigan oo uu hogaaminaayay guddoomiyaha guddigga Cabdikariin Axmed Xasan ayaa waxa uu maamulka gobolka Banaadir usoo bandhigay himilooyinka iyo ahdaafta siyaasadeed oo uu ka leeyahay doorashooyinka dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diirada loogu saaray doorashooyin toos ah oo ka dhaca caasimadda Muqdisho iyo doorka uu maamulka gobolka Banaadir ka qaadanaayo doorashooyinka dowladdaha hoose.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaar garowga maamulka gobolka ee dhinaca wacyigelinta bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaangelinta, goobaha codbixinta, iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta ajandayaasha iyo qorshaha doorashooyinka dalka, si gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasi oo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, asigoona guddiga u cadeeyay in uu ka taageeri doonno dhinac weliba.

Ugu danbeyn guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo sohdimaha ayaa boogaadiyay hanaanka diyaar-garowga maamulka gobolka Banaadir ee ku aadan in doorasho qof iyo cod ee ka dhacdo caasimada dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadeen la-tashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horeeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah maamulada dalka.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights