Mustafe Dhuxulow oo maanta loo magacaabay xil culus

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha.

Magacaabista Dhuxulow ayaa waxaa isla maanta go’aan ka gaaray golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

“Golaha Wasiirrada xukuumadda jamhuuriyadda federaalka soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta wasaaradda amniga gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, in uu noqdo Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo lagu shaaciyay magacaabistan.

Mustafe Dhuxulow oo ah siyaasi rug-cadaa ah aya beddalaya Axmed Siciid Maxamed oo horay xilkan u hayay, isla markaana la magacaabay markii uu dalka ka cararay agaasimihii hore ee hay’adda Cabdul oo mar lagu eedeeyay musuq-maasuq, balse lagu waayay.

Magacaabista Dhuxolow ayaa la hadal-hayay maalmahan, waxaana ugu dmabeyn maanta shaaciyay xubnaha golaha wasiirada oo ku magacaabay shirkooda todobaadlaha ah.

Dowladda Federaalka ayaa haatan wadda tallaabooyin isbeddal ah, waxaana ay ahayd maalin kahor markii xilka laga qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo lagu beddalay Maxamed Axmed Amiir.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights